Muqdisho — Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo booqasho ku jooga Soomaaliya, kuwaas oo uu wehliyo Danjiraha Jamhuuriyadda Carabta Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha danaha wadaagga ah iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyey garab-istaagga Dowladda Masar ee ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, iyo taageerada ay siiso dadaallada Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.






