Muqdisho – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safarkoodii ugu horreeyey tan iyo markii loo doortay hoggaaminta Dowladda Koonfur Galbeed ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.
Wafdiga Hoggaamiyaha ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ay ku qaabileen xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo uu ugu horreeyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka iyo mas’uuliyiin kale.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta, xildhibaannada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.
Sidoo kale, Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa bogaadiyey hanaankii doorasho ee ka qabsoomay Dowladda Koonfur Galbeed, isagoo tilmaamay in doorashadu ku dhacday jawi nabdoon, hufnaan iyo wadajir lagu muujiyey rabitaanka shacabka iyo hay’adaha Dowladda Koonfur Galbeed.
Hogaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa adkeeyey in maamulkiisu mudnaan gaar ah siin doono xoojinta nabadgelyada, horumarinta adeegyada bulshada, dardargelinta dowlad-dhiska iyo adkaynta wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Koonfur Galbeed.



