QUDUS – Somaliland iyo Israa’iil ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis cusub oo iskaashi ah, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya labada dhinac. Heshiiskan weyn waxaa si wadajir ah u saxiixay shalay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, iyo Riisal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.
Heshiiska ay labada hoggaamiye kala saxiixdeen ayaa ku salaysan iskaashiga dhinacyada amniga, beeraha, maareynta biyaha, tiknoolajiyada, maalgashiga, iyo horumarinta guud ee dhaqaalaha. Labada dhinac ayaa isku afgartay in si wada jir ah looga shaqeeyo adkaynta difaaca, ka faa’iidaysiga tiknoolajiyada casriga ah ee dhanka wax-soo-saarka beeraha iyo sifaynta biyaha, iyo sidii shirkadaha Israa’iil ay mashaariic waaweyn uga fulin lahaayeen gudaha Somaliland si kor loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha.
Tallaabadan ay qaadeen Cabdiraxmaan Cirro iyo Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato xasiloonida Geeska Afrika, iyadoo la xusid mudan yahay in go’aankan uu kicin karo falcelino xoogan oo ka yimaada dowladda Federaalka Soomaaliya, Xuutiyiinta Yemen iyo waddamada kale ee gobolka.
Israa’iil ayaa si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland bishii December 2025. Madaxweyne Cirro ayaa hadda booqasho 5 maalin ah ku jooga Israel, isagoo shalay furay safaaradda Somaliland ee Qudus, taasoo ururka iskaashiga Islaamka iyo Hamas ay si adag u cambaareeyeen.
Danaha Israel ka leedahay Somaliland ayaa salka ku haya saldhig military oo ka furato Somaliland si ay u maamusho marinka Bab al-Mandeb, ugana weerarto kooxda Xuutiyiinta oo dowladda Iiraan taageerto.



