Hoggaamiye Jibriil oo qaabilay siyaasiyiin ka soo jeeda Shabeellaha Hoose

0

Baydhabo – Hoggaamiyaha ku meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa kulan wada-tashi ah la qaatay siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta siyaasadeed, dardargelinta nabadeynta, iyo horumarinta adeegyada bulshada ee gobolka.

Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda amniga iyo caqabadaha jira, iyadoo la isla qaatay in la mideeyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasillooni waarta.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi buuxa oo u dhexeeya dowladda iyo siyaasiyiinta deegaanka, si loo gaaro horumar la taaban karo. Waxa uu xusay in Dowladda Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay ka shaqeynta danaha shacabka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed.

Siyaasiyiintii kulanka ka qayb gashay ayaa soo dhaweeyay dadaallada dowladda, iyagoo muujiyay diyaar u ahaanshahooda inay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo horumarinta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku dooneyso xoojinta wada shaqeynta siyaasadeed iyo horumarinta guud ee deegaannada maamulkaas.May be an image of one or more people and table

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here