Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar Ka Soo Saaray Isticmaalka Shilin Soomaaliga

0

Muqdisho – Kadib xiisado labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka taagnaa suuqyada magaalada Muqdisho, gaar ahaan diidmada isticmaalka lacagta Shilin Soomaaliga ee ka dhacday qeybo ka mid ah caasimadda, ayaa Maamulka Gobolka Banaadir soo saaray amar rasmi ah oo ku saabsan adeegsiga lacagta dalka.

 

Xiisaddan ayaa saameyn xooggan ku yeelatay isu socodka maciishada iyo ganacsiyada yar yar, iyadoo dad badan ay cabasho ka muujiyeen hakad ku yimid dhaqdhaqaaqa ganacsi ee maalinlaha ah.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si cad u faray dhammaan ganacsatada iyo shacabka in la isticmaalo lacagta Shilin Soomaaliga, isaga oo xusay in lacagtu tahay astaan qaran oo muhiim u ah dhaqaalaha dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here