Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Ka Qaybgalay Casho-Sharaf Ay Ku Maamuuseen Dowlada

0

MUQDISHO –   Madaxda ugu sarreysa qaranka oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Bare iyo Madaxda gudoonka labada aqal ee BJFS ayaa caawa munaasabad isugu jirtay casho-sharaf iyo hambalyo ku maamuusay hogaamiyaha la doortay ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

 

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa hambalyo u diray hogaamiyaha la doortay ee Dowladda Koonfur Galbeed, iyagoo u rajeeyay in Alle ku garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay, isla markaana uu ku guuleysto horumarinta, nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo adeegyada bulshada ee deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ra’iisul Wasaaraha iyo dhammaan madaxda ka qeyb gashay munaasabadda soo dhoweynta iyo maamuuska ay u sameeyeen, isagoo caddeeyay in Dowladda Koonfur Galbeed ay si dhow ula shaqeyn doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dardargeliyo amniga, horumarka iyo midnimada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here