MUQDISHO – Roobab mahiigaan ah oo saacado badan socday ayaa ka da’ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kuwaas oo saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa guud ee bulshada.
Roobka ayaa biyo badan dhigay qaar ka mid ah waddooyinka waaweyn ee magaalada, taasoo sababtay in ay hakad galaan gaadiidkii isticmaali jiray waddooyinkaas, iyadoo meelaha qaar ay ka dhalatay ciriiri iyo gaabis dhanka isku socodka ah.
Qaar ka mid ah shacabka ayaa la kulmay dhibaatooyin la xiriira daadadka iyo biyaha fariistay waddooyinka, halka ganacsiyada iyo howlaha maalinlaha ah ee magaalada qaarkood ay saameyn ku yeesheen roobabkaasi.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hore u shaaciyay inuu diyaar u yahay wax ka qabashada saameynta roobabka, iyagoo sheegay in la diyaariyay gaadiid iyo qalab loogu talagalay daad-gureynta biyaha ku urura waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda.
Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay taxaddar muujiyaan inta lagu jiro xilliga roobabka, gaar ahaan dadka isticmaala waddooyinka ay biyuhu fariistaan, si looga fogaado khataraha ka dhalan kara daadadka iyo burburka kaabeyaasha.



