Howgalka ATMIS oo ku dhawaaqay in bandow lagu soo rogay Xerada Xalane

0

MUQDISHO (SMN) – Howgalka ATMIS Ex Amisom ee Soomaaliya ayaa sheegay in bandow lagu soo rogay guud ahaan xerada Xalane inta u dhexeysa 26 ilaa 28 bishan April.

Qoraalka ayay ku sheegeen in la tashi ay la sameeyeen Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, kadibna ay go’aankaan soo saareen.

Sidoo kale waxay sheegeen inaan loo dhawaan karin Xarunta Afisyooni, halkaas oo ah goobta doorashadda ay ka dhaceyso, sidoo kalena axa ay qeexeen in howlaha kale ee garoonka ay si caadi ah u soconayaan mudadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here