Howlgal khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Bakool

0

WAAJID (SMN) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay qaybo ka mid ah gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

 

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka degmada Waajid, waxaana lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab.

Qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana ciidamada ay soo bandhigeen maydadka xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay la wareegeen goobaha lagu dagaalamay oo ku yaalla agagaarka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here