Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhacay Hiiraan

0

Hiiraan – Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen bariga gobolka Hiiraan ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Howlgalkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Abaar Cano-weyn oo u dhexeeya Yasooman iyo degmada Moqokori, halkaas oo ciidamada ay ku qaadeen weerar dhabagal ah maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo watay gaari nooca Cabdi-bile ah sida lagu sheegay warbaahin dowlada.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in weerarka lagu dilay dhammaan xubnihii saarnaa gaarigaasi, isla markaana la gubay gaarigii ay wateen. Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka, Cali Cagey, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay guusha howlgalka.
Ciidamada fuliyay weerarka ayaa si nabad ah ugu soo laabtay saldhigyadooda, iyagoo sidoo kale soo qaniimaystay agab ciidan oo ay ka tageen maleeshiyaadka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada xooggan ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ku wiiqdo awoodda Al-Shabaab, iyadoo howlgallo la mid ah ay ka socdaan deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo gobollada kale ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here