Muqdisho – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga soo horjeestay maamulka ku-meelgaarka ah ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid jebin cad ku ah Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo kan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
War-saxaafadeed ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in Dastuurka Koonfur Galbeed uu si cad u dhigayo in haddii Madaxweynaha dowlad goboleedka uusan awoodin inuu xilkiisa guto ama uu iscasilo, ay waajib tahay in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho madaxtinimo.
Goluhu wuxuu sidoo kale dhaliilay waxa uu ku tilmaamay dhaqanka xarun-ka-taliska, isagoo sheegay in dowlad-goboleedyo leh hay’ado dastuuri ah aan lagu maamuli karin amarro iyo digreetooyin ka yimaada dowladda dhexe. Sida ay sheegeen, arrintaasi waxay si toos ah uga hor imaanaysaa dastuurka dalka, mabda’a awood-qaybsiga iyo nidaamka federaalka ee Soomaaliya.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in muddo 30 maalmood gudahood lagu qabto doorasho loo dhan yahay oo ay ku heshiiyaan dhammaan saamilayda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, isla markaana si buuxda ugu saleysan dastuurka dowlad goboleedka.
Sidoo kale, goluhu wuxuu ka digay in jidka hadda la qaaday uusan ahayn oo keliya mid khaldan, balse uu yahay dib u noqosho ku wajahan dhaqankii kalitalisnimo ee horseeday burburkii dowladnimada Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in ay ka go’an tahay difaaca dastuurka iyo nidaamka federaalka, iyagoo sheegay inay adeegsan doonaan dhammaan hababka sharci iyo kuwa nabadeed si ay uga hortagaan isku day kasta oo lagu wiiqayo ama lagu burburinayo nidaamkaas.




