Muqdisho – Madax ka tirsan mucaaradka Soomaaliya, dowladda federaalka, iyo wakiillada beesha caalamka ayaa maanta markale kulan siyaasadeed ku yeelanaya xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, si looga arrinsado xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Kulankan ayaa noqonaya maalintii labaad ee ay dhinacyadu isku hor fariistaan, iyadoo shirkii shalay uu kusoo dhammaaday is-afgarad la’aan, balse lagu ballamay in dhinac kasta uu la tashiyo la sameysto xubnaha iyo siyaasiyiinta uu matalayo.
Mucaaradka ayaa si weyn uga biyo diiddan qorshaha dowladda federaalka ee ku aaddan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, iyo wax ka beddelkii dhowaan lagu sameeyay dastuurka dalka.
Qodobka ugu weyn ee ay mucaaradku diidan yihiin ayaa ah muddo kordhinta xukunka oo laga dhigay shan sano, taas oo ay sheegeen inay khatar ku tahay heshiisyadii siyaasadeed iyo nidaamka wadajirka ah ee dalka lagu maamulayay.
Dhinacyada ayaa la filayaa inay sii wadaan wada-hadallada si xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee taagan, iyadoo beesha caalamku ay dadaal ugu jirto sidii loo heli lahaa is-afgarad siyaasadeed oo lagu wajaho arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka.



