IFJ oo ka hortimid magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Golaha Wasiirada ayaa magacaabay xubnaha Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood, oo uu ku jiro Senator hore, iyadoo aan lagala tashan Ururada Saxaafadda.

 

Tani waa arin aan hore u dhicin oo ka hor imanaysa sharciga saxaafadda dalka. Ururka saxafiyiinta caalamiga ah ee IFJ ayaa codkiisa cambaareynta magacaabistan sharci-darada ah ku biiriyay NUSOJ, oo horey qoraal diidmo ah oo arintan ku saabsan u soo saarey.

Cambaareynta magacaabista golaha warbaahinta qaranka Soomaaliyeed ee sharci darada ah, ayaa isa soo taraysa, iyadoo si xoogan shalay uga soo horjeesteen warbaahinta madaxa-banaan, suxufiyiin iyo urur difaaca xuquuqda saxaafadda, maadaama tallaabadan ay wax u dhimayso xoriyada saxaafada waxayna muujinaysaa ixtiraam la’aanta sharciga dalka.

Suxafiyiinta iyo Ururada Warbaahinta Sida IFJ iyo NUSOJ ayaa qeylo dhaan ka soo saaraysa cawaaqib xumada ka dhalan karta Xubnaha Golaha warbaahinta qaranka ee dhawaan lagu dhawaaqay ee ay dowladdu magacaawday, taasi oo adkeyn doonta faragelinta madax-banaanida Warbaahinta, sida gaarka ah loo leeyahay oo horey dhibaatooyin adag ugu soo shaqeynayay.

Waxaa hadii dhaqangalo magacaabistan laga digayaa in lagala noqon doono Ruqsadaha Warbaahintii diida inay u shaqeyso sida dowladdu rabto, iyo sidoo kale in la ganaaxi doono Wariyeyaasha dhaliila dowladda.

Qodobka 14-aad ee xeerka saxaafadda Soomaaliya ee wax ka bedelka lagu sameeyay ee la ansixiyay sanadka 2020-ka ayaa dhigaya in Golaha Warbaahinta Qaranka uu ka madax banaanaado faragelinta siyaasadda iyo mida dowladda.

Sharciga saxafada ayaa faraya in dhismaha golaha lagala tashado wasiirka warfaafinta, ururada saxafada, NUSOJ, bulshada rayidka iyo warbaahinta madaxa-banaan, laakiin taasi ma dhicin, oo waxaa xubnaha noqdeen kuwa xukuumadda wadato iyo kuwa ku dhaw madaxda wasaaradda warfaafinta dalka.

Milkiilayaasha Warbaahinta iyo Wariyaasha Madaxa Banaan ayaa 17-kii bishii March kulan isugu yimid Muqdisho waxayna cambaareeyeen dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka ee sida sharci darada ah loo dhisay, waxayna ugu baaqeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in uu soo faragelinta arintan, islamarkaana hubiyo in nidaamka saxda ah loo maro ka hor inta uusan saxiixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here