Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo shir caalami ah uga qayb-galay UK

0

LONDON (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dalka UK kaga qeyb galay shir ku saabsan sidii wadajir looga shaqayn lahaa dhisidda u adkeysiga cimilada ee xaaladaha jilicsan iyo kuwa colaaduhu saameeyeen oo ka dhacay Wilton Park.

 

Shirkaan oo la isugu keenay samafalayaasha bini’aadannimada, khubarada isbeddelka cimilada, u dhaqdhaqaaqayaasha nabadda iyo hawl-wadeennada horumarinta oo ka kala yimid caalamka ayaa looga dooday sidii xal waara loogu heli lahaa khataraha is-daba-joogga ah ee ay ku jiraan u nuglaanta isbeddelka cimilada ee ay wajahayaan bulshooyinka ay saameeyeen jilicsanaanta iyo rabshadaha.

Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macallin ayaa madasha la wadaagay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka iyo sida ay lama huraaan u tahay in maalgalin loo helo mashaariicda dhiseysa adkeysiga bulshada, si loo dhimo khatartaha kala duwan ee ay wajahayaan dadka nugul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here