IGAD oo ku baaqday wada hadal iyo xakameyn lagu sameeyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

0

Djibouti – Urur goboleedka IGAD ayaa si dhow ula socda dhaqdhaqaaqyada ka socda maamulka Koonfur Galbeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maamul-goboleed muhiim ah oo ka tirsan ururka.

 

War-saxaafadeed ka soo baxay IGAD ayaa lagu muujiyey walaac ku saabsan xiisadaha sii kordhaya ee siyaasadeed, waxaana ururku ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan oo ka fogaadaan falalka sii hurin kara xaaladda.

IGAD ayaa sidoo kale ku boorisay in kala duwanaanshaha u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah la xalliyo iyada oo loo marayo wada-hadal loo dhan yahay iyo hab-qaran oo la dejiyey.

Ururka IGAD ayaa mar kale xaqiijiyay in ka go’an tahay taageerida nabadda, xasilloonida, iyo midnimada Soomaaliya, isla markaana diyaar u tahay inay fududayso dadaallada wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta.May be a graphic of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here