Jabuuti – Urur Goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah inay bixiyaan maalgelin ku filan, la saadaalin karo oo waarta oo loogu talagalay Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Sida ku cad war-murtiyeedka laga soo saaray kaddib fadhigii 74-aad ee Golaha Wasiirrada IGAD ee lagu qabtay Jabuuti, urur-goboleedku wuxuu sheegay in taageerada joogtada ah ee AUSSOM iyo waddamada ciidamada ku deeqay ay weli muhiim u tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
IGAD ayaa sidoo kale taageertay dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan dimuqraadiyadda iyo horumarinta nidaam doorasho oo loo dhan yahay, kaas oo u oggolaanaya ka-qaybgal ballaaran oo dadweyne.
Urur-goboleedka ayaa ku boorriyay daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya inay galaan wadahadal loo dhan yahay si loo gaaro heshiis ku saabsan geeddi-socodka doorashada, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu taageero geeddi-socodkaas.
Dhanka kale, IGAD ayaa ku baaqday xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah oo laga sameeyo Suudaan, iyadoo sidoo kale wasiirrada dalalka xubnaha ka ah ay ka wada hadleen amniga gobolka, xaaladda Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo arrimaha la xiriira burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya.




