IGAD oo walaac ka muujisay dagaallada ka socda Muqdisho

0

Muqdisho, Soomaaliya – IGAD ayaa walaac ka muujisay dagaallada ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo Dagaalka laguna xalliyo khilaafaadka jira wada-hadal nabadeed.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in ururku uu cambaareynayo dhammaan falalka rabshadaha ah ee sababay khasaaraha iyo qalalaasaha ka taagan caasimadda Soomaaliya.

“IGAD waxay cambaareynaysaa dhammaan falalka rabshadaha ah waxayna ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn buuxda, yareeyaan xiisadaha, isla markaana ku xalliyaan khilaafaadkooda wada-hadal nabadeed, loo dhan yahay, oo wax dhisaya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ururka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo dhinacyada siyaasadda ugu baaqay inay mudnaanta siiyaan danta qaranka kana fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara colaadda.

Baaqa IGAD ayaa ku soo biiraya walaacyada iyo baaqyada hore uga soo baxay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka, kuwaas oo dhammaantood ku baaqaya in colaadda lagu beddelo wada-hadal iyo is-afgarad siyaasadeed.May be a graphic of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here