Ilhan Omar oo Ku Guuleysatay Doorashada Hordhaca ah ee Xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota

0

Minnesota – Xildhibaanad Ilhaan Omar ayaa ku guuleysatay doorashada hordhaca ah ee xisbiga Dimuqraadiga ee Degmada 5-aad ee Congress-ka gobolka Minnesota, taas oo u saamaxaysa inay mar kale u tartanto kursiga ay ku fadhido.

 

Ilhaan Omar, oo ka mid ah xildhibaanada hormuudka ka ah garabka horumarka-doonka ah ee Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa heshay in ka badan 80% codadka, sida ay muujinayaan saadaasha warbaahinta Mareykanka.

Iyadoo in ka badan 95% codadka la tiriyay, natiijooyinka aan rasmiga ahayn ayaa muujiyay in Omar ay heshay 122,640 cod, halka Julie Trang Le ay heshay 10,201 cod, Latonya T. Reeves-na ay heshay 9,131 cod, sida ay qortay The New York Times. Musharrixiintii kale ee Ilhaan Omar kula tartamay doorashada hordhaca ah waxaa ka mid ahaa Julie Trang Le, oo hore uga soo shaqeysay dacwad-ooge federaal ah, Latonya T. Reeves, Abena McKenzie iyo Nate Schluter.

Guusha doorashadan hordhaca ah ayaa Omar u gogol xaaraysa inay markii shanaad u tartanto matalaadda Degmada 5-aad ee Minnesota, oo xarunteedu tahay magaalada Minneapolis. Dhanka xisbiga Jamhuuriga, John Nagel ayaa lagu saadaaliyay inuu ku guuleystay doorashada hordhaca ah ee kursigaas, isagoo helay 52.1% codadka.

Doorashada guud ee kursiga Degmada 5-aad ayaa noqon doonta marxaladda xigta ee tartanka, iyadoo Omar ay markale wajahdo tartan siyaasadeed si ay u sii haysato kursiga ay ku matasho Minnesota ee Congress-ka Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here