Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay shirka looga arrinsanayo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolka, oo diiradda lagu saarayo xoojinta isku-xirka dhaqaale, ganacsi iyo kaabayaal ee Soomaaliya iyo dalalka gobolka.
Shirka waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo khubaro farsamo.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in Afrika ay maanta ka mid tahay suuqyada waaweyn ee caalamka, ayna dunida inteeda kale dooneyso inay maalgashi iyo ganacsi la yeelato. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay fursad ay ku noqon karto buundo isku xirta Afrika iyo dunida inteeda kale, maadaama ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.
Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale xusay in caqabadda ugu weyn ee dalalka Afrika haysata ay tahay is-dhexgalka dhaqaale, maadaama ganacsiga u dhexeeya dalalka qaaradda uu weli yahay mid xaddidan. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo aragti iyo qorshe cilmi ku dhisan, si Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale iyo ganacsi ee ka jira gobolka iyo qaaradda.
Istaraatiijiyadda Qaran ee Isdhexgalka Gobolka ayaa dejinaysa jihada Soomaaliya uga faa’iidaysan karto marinadeeda ganacsi, dekedaha iyo xuduudaha, si loo fududeeyo isu-socodka iyo ganacsiga, loo ballaariyo suuqyada, loo kobciyo maalgashiga, loona xoojiyo isku-xirka dhaqaale ee Soomaaliya, Geeska Afrika, Bariga Afrika iyo guud ahaan qaaradda.
Qorshahan ayaa qeyb ka noqonaya dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya ay si weyn uga faa’iideysato goobteeda istiraatiijiga ah, kheyraadkeeda iyo fursadaha ganacsi ee gobolka.





