Minnesota, Mareykanka – Xildhibaanad Ilhan Omar oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka ayaa mar kale ku guuleysatay doorashada Aqalka Wakiillada Mareykanka, iyadoo ka adkaatay musharraxa Xisbiga Jamhuuriga John Nagel, si ay u hesho muddo-xileedkeedii shanaad ee matalaadda Degmada 5-aad ee gobolka Minnesota.
Ilhan Omar ayaa degmadaas, oo ay ku jirto magaalada Minneapolis iyo deegaanno kale oo ku dhow, ku matalaysay Aqalka Wakiillada tan iyo sannadkii 2019, markii ugu horreysay ee ay xubin ka noqotay Kongareeska Mareykanka.
Degmada 5-aad ee Minnesota ayaa ka mid ah deegaannada sida weyn u taageera Xisbiga Dimuqraadiga. Omar ayaa sidoo kale guul ka soo hoysay doorashadii hordhaca ahayd ee bishii Agoosto, iyadoo ka adkaatay Julie T. Le, Abena McKenzie, Latonya Reeves iyo Nate Schluter. Waxay sidoo kale taageero rasmi ah ka heshay Xisbiga Dimuqraadiga-Beeralayda-Shaqaalaha Minnesota (DFL) intii lagu jiray shirweynihii gobolka ee bishii Maajo.
Guusheeda ayaa timid xilli ay jireen weerarro siyaasadeed oo cusub oo kaga imaanayay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo marar kala duwan ku baaqay inay xilka ka degto, isla markaana dib u soo celiyay eedeymo la xiriira taariikhdeeda socdaalka.
Ilhan Omar, oo Mareykanka ku timid iyadoo qaxooti ah ka hor inta aysan qaadan dhalashada Mareykanka, ayaa iska fogeysay eedeymaha Trump, iyadoo ku tilmaantay kuwo aan sal iyo raad lahayn oo ku dhisan cunsuriyad.
Khilaafka u dhexeeya Trump iyo Ilhan Omar ayaa soo bilowday xilligii ugu horreeyay ee ay Omar ka mid noqotay Kongareeska, markaas oo Trump uu dhaleeceyn kala kulmay hadallo uu ku sheegay in haweenka xildhibaannada ah ee laga tirada badan yahay ay dib ugu laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen.
Ilhan Omar ayaa ka mid ah haweenka Muslimiinta ah ee taariikhda ku galay siyaasadda Mareykanka, iyadoo muddooyinkii ay Kongareeska ku jirtay si joogto ah uga dhex muuqatay doodaha siyaasadeed ee dalkaasi.




