Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada maamulkaasi, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga, horumarinta ganacsiga iyo qorshaha horumarinta Koonfur Galbeed ee shanta sano ee soo socota.
Shirka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha horumarinta Dowladda Koonfur Galbeed ee muddada shanta sano ah, kaas oo ay diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, iyadoo diiradda la saaray qorshayaasha lagu horumarinayo dhaqaalaha, ganacsiga iyo adeegyada bulshada.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana kulanka lagu falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga, loona dardargelin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada maamulka.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay xoojiyaan wada-shaqeyntooda, isla markaana ay laba jibaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara oo saldhig u noqda horumarka, kobaca dhaqaalaha iyo ballaarinta adeegyada bulshada.
Shirka ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa qorsheyaasha maamulka Koonfur Galbeed ee lagu dejinayo jihada horumarineed ee shanta sano ee soo socota, iyadoo amniga iyo kobcinta dhaqaalaha ay ka mid yihiin qodobada ugu waaweyn ee looga hadlay kulanka.




