Imaaraadka Carabta oo jawaab ka bixiyay eedeymaha Dowladda Soomaaliya

0

Abu Dhabi – La-taliyaha diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Anwar Gargash, ayaa ka jawaabay hadalkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ahaa faragelinta Imaaraadka, isaga oo nasiib-darro ku tilmaamay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya lagu dhex daro loollanka siyaasadeed ee gobolka.

 

Gargash ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ku tilmaamay madaxweyne waqtigiisu dhammaanayo, ugu baaqay inuu Soomaaliya ka fogeeyo khilaafaadka gobolka, isaga oo sheegay in arrimahaasi aysan dan u ahayn shacabka Soomaaliyeed.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa bulshada ee X ayuu Gargash ku sheegay in hadallada Madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhanka ah Imaaraadka ay muujinayaan isbeddel ku yimid mowqifyadiisa iyo siyaasaddiisa, isaga oo su’aal geliyay in danaha gaarka ah laga hormarinayo danta qaranka.

La-taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Imaaraadka Carabta uu garab taagnaa Soomaaliya iyo shacabkeeda xilliyadii ugu adkaa, isaga oo ka xumaaday in loollanka awoodda siyaasadeed ee gudaha dalka uu Soomaaliya ku jiido khilaafaad ka dhex jira dalalka gobolka. Waxa uu intaas ku daray in xiriirka Imaaraadka Carabta iyo shacabka Soomaaliyeed uu ka weyn yahay khilaafaadka siyaasadeed, danaha shaqsiyeed iyo damacyada siyaasadeed ee jira.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan hadallada is-dhaafsiga ah ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay war-saxaafadeed rasmi ah ku muujisay walaaca ay ka qabto faragelin ay ku eedeysay Imaaraadka Carabta, iyadoo ku adkaysatay in xiriirrada rasmiga ah ee dalka lala yeelanayo ay tahay in loo maro Dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here