Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Waddada Jamhuuriya ee isku xirta Kaaraan iyo Gubadleey

0

Muqdisho –  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Waddada Jamhuuriya oo isku xirta degmooyinka Kaaraan iyo Gubadleey ee Gobolka Banaadir.

 

Waddadan oo dhererkeedu gaarayo 7 KM, lehna laba jiho oo isu-socod ah, ayaa lagu maalgeliyey dakhliga ka soo xarooda canshuuraha shacabka, waxaana dhaqaalaha ku baxay si dhammeystiran u bixiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo shirkadda dhismaha fulisay tayada, hufnaanta iyo habka casriga ah ee loo dhisay wadada, isaga oo xusay in hirgelinta mashaariicda noocan ahi ay door muhiim ah ka qaadanayaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, fududeynta isu socodka bulshada iyo horumarka dalka.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xisbiyada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan taageerada iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, kana fogaadaan ku tiirsanaanta kaalmooyinka shisheeye ee wata aragtiyada aan waafaqsanayn danaha qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here