Imaaraatka Carabta oo markale gargaar soo gaarsiiyey Soomaaliya + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaan maanta soo gaaray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Shaxnadii seddexaad oo gargaar ah, isla-markaana ka timid Dowladda Isu Tegga Imaaraatka Carabta.

Gargaarkan waxaa guddoontay Wasiirka Gargaarka iyo Mareeynta Musiibooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, taas oo loogu talagalay dadka ay Abaaraha ku Saameeyeen dalka.

“Dowladda Imaaraatka waxaan uga mahadceliyay doorkooda ku aadan xaaladdaha Bini’aadanimo ee dalka ka taagan” ayey tiri Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Imaatinka deeqdan ayaa ku soo aaday xilli ay haatan abaaro ba’an ku dhufteen qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here