Yaa ka dambeeyey in guddoomiye Cali Yare lagu celiyo garoonka Aadan Cadde?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa shaaciyey ciddii ka dambeysay in lagu celiyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, xilli uu maanta kusii jeeday maamulka Galmudug.

Cali yare oo qoraal kooban soo saaray ayaa marka hore beeniyey inay hay’adda NISA ka celisay garoonka Aadan Cadde, balse wuxuu tilmaamay in dalab ka yimid madaxweynaha Galmudug dartiis loo baajiyey safarkiisa oo la xiriiray doorashada kursiga HOP#147.

Halkan hoose ka aqriso:-

BEENIN IYO BAYAANIN

Waxaan beeninayaa wararka sheegaya in Hey’adda NISA oo ay madax ka yihiin saaxiibo aan shaqo-wadaag nahay ay hor istaag ku sameeyeen aniga iyo waftigii ila socday oo safar u ahaa Galmudug – ma jirto mana jiri karto sabab ay Hey’ad amni oo Gobolka Banaadir ka howlgasha ay ku hor istaagi karto safar aan hoggaaminayo maadaama aan anigu fadhiyo xafiiska Amniga Caasimadda – Waxaanse bulshada u xaqiijinayaa inuu shalay, xalay iyo saakay-ba Madaxweynaha Galmudug la soo xariiray Hey adda NISA kana dalbaday in aniga iyo waftigeygu aanan Galmudug u soo duuli karin  sida ay Madaxda NISA ii xaqiijiyeen.

Madaxda NISA waxaan uga mahadcelinayaa Jawaabta ay arrinkaas ka bixiyeen oo ahaa mid dhaxalgal ah oo ka turjumaya macnaha dhabta ah ee Hey’addu u taagantahay.

Waxaan u Mahadcelinayaa Madaxda dowlada Federaalka oo sameysay dadaalkasta oo Madaxweyne Qoorqoor ay ugu qancin kareen inuu aragtidiisa badalo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here