In ka badan 50 carruur ah oo looga dhuuntay isbitaallada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Xeer ilaaliye ku xigeenka Soomaaliya, Yusra Cismaan Shariif oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay soo badanayaan dambiyada ka dhanka ah carruurta ee guud ahaan dalka.

 

Yusra ayaa sheegtay in dhibaatooyin kala duwan ay la kulmaan carruuta, xafiiskoodana uu si dhow ula socdo arrimahaasi si wax looga qabto.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2023-ka ay qabteen kiisaska 53 carruur ah oo looga dhuuntay qaar kamid ah isbitaallada iyo waddooyinka Muqdisho, haddana ay ku wareejiyeen dad xanaaneeya, iyaguna ay u kormeeraan si joogta ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo hataan dalka ay ka jiraan xaalado adag oo kala duwan, waxaana sidoo kale maalmihii la soo badanayay dhacdooyin argagax leh oo saameyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here