Sawirro: Madaxweyne Cali Guudlaawe oo guddoomiyay shir deg-deg ah

0

JOWHAR (SMN) – Madaxwaynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Md, Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxwayne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa Guddoomiyey Shir gaar ah oo iskugu yimadeen Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle,  kaas oo uu Goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle .

 

Shirkaan oo ahaa mid degdeg ah ayaa Guddoomiyaha Hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallim, waxa uu golaha wasiirada iyo Madaxweynaha Hirshabeelle uga warbixiyey Sameentii El-Niño ay ka gaysatay deegaanada dowlad Goboleedkaan taas oo sababtay Dhimasho iyo burbur hantiyadeed, iyadoo hay’adda ay sheegtay in dhawaan ay sameen donaan qiimeen ku saabsan dhibatada deegaanada Hirshabeelle ka soo gaartay xaladihii El-Niño.

Sidoo kale Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay in ay ka cabsiqabaan in 65% roobka gu’ga oo la filayo in dhawaan uu curto uu sababo daadad iyo fatahaado.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here