In ka badan toban suxufi oo maalintii saddexaad ku xiran magaalada Hargeysa

0

HARGEYSA (SMN) – Waxaa maalintii saddexaad ku xidhan magaalada Hargeysa, in ka badan 10 saxafi oo ka hawlgala warbaahinta kala duwan ee Somaliland, kuwaas oo ciidamada ammaanku ay xabsiga u taxaabeen iyaga oo ka soo waramayey shaqaaqo ka dhacday xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Wararka ayqq sheegaya in qaar ka mida saxafiyiinta madax-banaan ee ka hawlgala magaalada Hargeysa inay habeenkii xalay ahaa isugu yimaadeen kulan ay kaga arrinsanayeen xaaladda saxafiyiinta xidhxidhan. Waxaana gunaanadkii kulankooda ay soo saareen bayaan ay ku cambaaraynayaan xadhiga saxafiyiintaasi, iyaga oo ku baaqay in si degdeg ah xoriyadooda loogu soo celiyo.

Cabdirashiid Cabdiwahaab oo ah saxafi ka hawlgala Hargeysal oo goobtaas ka akhriyey qoraal ay soo saareen, ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda caafimaad ee qaar ka mida saxafiyiinta xidhan oo ay ka dayriyeen.

Illaa haatan xukuumadda iyo laamaha ammaanka ee Somaliland faahfaahin dheeri ah kama bixinin xadhiga saxafiyiintan xidhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here