Xildhibaanada labada Aqal oo maanta yeelanaya kulankoodii ugu horreeyey

0

MUQDISHO (SMN)- Xildhibaanada cusub ee labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay yeeshaan kulankoodii ugu horreeyay ka dib markii 14-bishaan la dhaariyay.

Fariin loo diray xildhibaanada labada Aqal ayaa loogu sheegay in ay soo xaadiraan kulanka loo ballansan yahay maanta oo Sabti ah.

Kulanka ayaa warbixn kooban lagu siin doonaa xildhibaanada cusub iyo howlaha horyaala, iyo qeybinta xeer hoosaadka u gaarka ah doorashooyinka guddoomiyeyaasha iyo madaxweynaha.

Kulanka ayaa ka kala dhici doonaa xarunta Villa Hargeysa oo ay ku shiraan xildhibaanada golaha shacabka iyo xarunta golaha Aqalka sare, waxaana shir guddoomin doonna Gudoomiyeyaasa KMG ah ee golaha shacabka iyo Aqalka sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here