Iran oo cambaareysay tallaabo Israel ee Somaliland

0

Tehraan – Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa si kulul u cambaareeyey Xad-gudubka joogtada ah ee Maamulka Israel ku hayo Madax-bannaanida Qaranka Somalia.

 

Baghaei oo ka dayrinaya talaabadii uu taliska Israel ugu magacaabay ergey diblumaasiyadeed ee gobolka loo yaqaan “Somaliland” oo ah qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Baghaei waxa uu u arkay inay tahay calaamad cad oo muujinaysa dhagarta uu maamulka israel u maleegayo xasiloonida dalalka Islaamka, isla markaana uu kala qaybiyo dalalka gobolka.

Tallaabadan gar-darada ah waxay si cad uga hor imanaysaa Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah, waxayna xadgudub ku tahay madax-bannaanida, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dal madax-bannaan, ayuu ku nuux-nuuxsaday afhayeenku.

Mas’uulkan ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa xasuusiyay mas’uuliyadda ka saaran Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Midowga Afrika, iyo dhammaan dalalka caalamka si ay uga hortagaan sharci-darrada, ballaarinta iyo faragelinta maamulka israel ee arrimaha gudaha ee dalalka kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here