Tehran– Iran ayaa ku baaqday in dalalka Bariga Dhexe ay sameystaan isbahaysi cusub oo amni iyo militari, kaas oo ka madax bannaan Mareykanka iyo Israel, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha iyo colaadaha ka jira gobolka.
Afhayeenka xarunta militari ee Iran, Ebrahim Zolfaghari, ayaa sheegay in la gaaray waqtigii dalalka gobolka ay qaadi lahaayeen mas’uuliyadda amnigooda, halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen quwado dibadeed. Wuxuu xusay in weerarrada joogtada ah ee Maraykanka iyo Israa’iil ay ku hayaan Iran ay muujinayaan marxalad cusub oo u baahan jawaab mideysan.
Zolfaghari ayaa ku booriyay dalalka Carabta iyo kuwa Muslimiinta inay dhisaan nidaam amni oo wadajir ah, isaga oo ku saleynaya xiriirka diimeed iyo midka juqraafiyeed. Wuxuu ku dooday in ku tiirsanaanta quwadaha shisheeye ay ku guuldareysatay inay keento xasillooni waarta.
Baaqan ayaa imanaya xilli xiisadaha gobolka ay sare u kacayaan, iyadoo Iran ay ka jawaabtay weerarro Maraykanka iyo Israa’iil, iyada oo fulisay weerarro gantaallo iyo diyaarado ah oo lala beegsaday bartilmaameedyo kala duwan oo gobolka ku yaalla.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in hirgelinta isbahaysigan cusub ay noqon karto mid adag, maadaama dalal badan oo Bariga Dhexe ah ay weli xiriir amni oo dhow la leeyihiin Maraykanka.
Soo jeedinta Iran ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan hoggaanka amniga gobolka, iyo kala qaybsanaan sii kordheysa oo u dhexeysa dalalka taageersan Iran iyo kuwa xulafada la ah reer galbeedka.



