Muqdisho – Xisbiga Himilo Qaran ayaa si adag u cambaareeyay xabsi guri iyo qafaal siyaasadeed oo loo gaystay taliyihii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid ka hor imaanaysa sharciga iyo nidaamka cadaaladda dalka.




