Isbeddel Lagu Sameeyay Hoggaanka Booliska Gobolka Baay

0

Muqdisho – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay isbeddel cusub oo lagu sameeyay hoggaanka ciidanka booliska ee Gobolka Baay, xilli gobolka uu wajahayo xaalado amni darro iyo xiisado siyaasadeed oo sii kordhaya.

 

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska dhanka dowlada ayaa lagu sheegay in xilal cusub loo magacaabay saraakiil ka tirsan booliska, kuwaas oo kala ah:

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay: Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali (Duudishe)
Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Baydhabo: Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Axmed (Moora-gaabeey)

Magacaabistan ayaa la sheegay inay qayb ka tahay dadaallo lagu doonayo in dib loogu habeeyo laguna xoojiyo howlaha amniga ee ka socda gobolka Baay, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka jireen falal amni darro iyo cabashooyin la xiriira amniga.

Dhanka kale, xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sii cakirmeysa. Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo saameyn ku yeeshay wada shaqeyntii labada dhinac.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa magacaabis ka duwan tan dowladda federaalka sameeyay, isagoo Gaashaanle Sare Mukhtaar Dugudow u magacaabay Taliyaha Booliska Saldhigga Baydhabo. Tallaabadan ayaa muujineysa kala aragti duwanaanta dhinacyada, taas oo sii hurisay xiisadda siyaasadeed.

Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu hakiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay Dowladda Federaalka, arrintaas oo sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida iyo amniga guud ee gobolka Baay iyo guud ahaan deegaannada maamulkaas.

Isbeddelladan is barbar socda ayaa la filayaa inay saameyn ku yeeshaan jihada amniga iyo siyaasadda ee gobolka, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay xaaladdu u sii socoto maalmaha soo socda.May be an image of ‎text that says "‎Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Xafiiska Madaxweynaha الصومال غرب جنوب حكومة الرئيس Somalia the President Baidoa, Ujeeddo: Magacaabid Taliyaha Saldhiga Degmada Baydhabo ee DKGS. MADAXWEYNE 22, MARCH 2026 KuNA SAABSAN MAGACAABID TALIYAHA SALDHIGA DEGMADA BAYDHABO DKGS Madaxweynaba Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Dastuurka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Qodobka faqradda 14aad Haad faqradda Ciidanka Booliska waafaqsan Wargadda Wasüirka Wasaaradda Soomaaliya, Gudaha tixgeliyay: Baythalo qabo faliyahoa soomonlryi. muhim tahay WUXUU dhameestiro uaab- XEERKAAN magacaabay M.ne. G/are Qodobka Magacaabid taliye taariikhdu Ibrahim นน Madaxweynaha DKGS, nagda Taliyaha saldhiga Booliska Qodobka 2aad wixil tilmaamaya Xeerkan Ciidanaka Booliska Codabka Koonfur M.ne Cabdicasiis Xasan Maxamed Madaxweynaha DKGS.‎"‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here