Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay iska hor imaad khasaare geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha degmada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Is-raaseynta ayaa waxa ay ka dhalatay kaarar raashin ah oo loo qeybinayey dad shacab ah, kadib markii ay isku qabteen ciidamadii ilaalada ka haayey goobtaasi.

Ugu yaraan 1 askari oo ka tirsanaa dhinacyadii dagaalamay ayaa geeriyooday, halka uu dhaawac soo gaaray haweeneyd ka mid ah dadka degaanka, sida ay xaqiijiyeen ilo xilkas ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka oo ku baxay shaqaaqada ka dhacday halkaasi.

Guriceel waxaa dhowaan ka dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca oo markii dambe isaga baxay gudaha magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here