Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay safiiro ka socda Midowga Afrika + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Ambassador Maxamed Cumar Gad oo ah safiirka Masar u fadhiya Itoobiya.

Waxa ay ka wada-hadleen howlaha howlgalka Ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ee Somalia iyo mustaqbalkooda kadib 2021 iyo sidoo kale xoojinta Iskaashiga DFS iyo Midowga Afrika.

Wafdigan oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa waxa ay dalka ku joogi doonaan booqasho sadax cisho ah iyaga la kulmi doona Madaxda Sare ee Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here