Itoobiya oo sheegtay in 60% ay ciidamadeeda gacanta ku hayaan dhulka Somalia

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Difaaca Itoobiya, General Birhanu Jula oo wareysi siiyay TV-ga dowlada ayaa sheegay in militeriga Itoobiya ay gacanta ku hayso 60% dhulka Soomaaliya, islamarkaana hadii ay kasoo baxaan aysan dowladda federaalka sii joogi karin magaalada Muqdisho.

 

Wuxuu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay lafdhabar u yihiin amniga Soomaaliya, sidoo kalena ay ka difaacayaan Al-Shabaab inay la wareegto magaaladda Muqdisho.

General Birhanu Jula ayaa saddex jeer ka howlgalayay Soomaaliya isagoo Ciidamada Itoobiya hogaaminaya 2007 illaa 2009, waxaana meelaha uu kasoo shaqeeyay kamid ah gobolada Bay, Bakol iyo Galgadud oo uu joogay 2010 illaa 2013.

Isagoo la hadlayay ENTV, TV-ga qaranka Itoobiya ayuu tilmaamay in dowlada Soomaaliya ku tiirsan tahay Ciidanka dalkiisa, oo gobolo badan jooga, isagoo intaas ku daray in Itoobiya dhiig badan u daadisay, oo askar badan uga dhinteen Soomaaliya iyagoo la dagaalamaya Al-Shabaab.

Hadalka General Birhanu Jula ayaa imaanaya xili uu jiro khilaaf iyo xiisad ka dhalatay heshiiska Badda ee Itoobiya la gashay maamulka Somaliland 1-dii January ee sanadkan, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu diiday inuu kiiskan badda wadahadal kala yeeshay Abiy Ahmed, oo dhowr jeer kulan codsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here