Itoobiya oo walaac ka muujisay warbixin Soomaaliya u gudbisay Gollaha amaanka

0

ADDIS ABABA (SMN) – Ergayga Itoobiya u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegay in ay Xukuumadda Abiy Ahmed ka xuntahay “eedeymaha Soomaaliya iyo warbixintii ay u gudbisay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 19kii bishan.

 

Danjire Tesfaye Yilma Sabo ayaa tilmaamay in Itoobiya ka xuntahay hadallada uu safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle ka jeediyay shir gaar ah oo maalmo kahor gollaha amaanka ka yeeshay Xaalada Soomaaliya.

Warbixinta Soomaaliya gudbisay ayaa ku saabsanayd xad gudubyada Itoobiya ee ka dhanka ah madax bannaanida Soomaaliya, iyo fara galinta militari ee Itoobiya ay ka waddo xuduudada labada dal.

Safiirka Itoobiya wuxuu si adag u difaacay heshiiska ay dowlada dalkiisa 1dii Jan. la gashay Somaliland ee dekeda iyo saldiga military, isagoo sheegay in aanu ahayn “mid aan ahayn mid ka soo horjeeda xeerarka caalamiga ah.”

Wuxuu sheegay in Itoobiya ka qayb qaadatay nabadda iyo ammaanka Soomaaliya,” iyadoo askar Itoobiyaan ah oo dhiigooda u diiday kuwaasoo la dagaalamay Al-Shabaab.

Itoobiya ayaa hoosta ka xariiqday in ay wali diyaar u tahay wadahadal ay la gasho Soomaaliya si loo joogteeyo xiriirka iskaashi ee muhiimka u ah amniga gobolka geeska Afrika.

Catriona Laing, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa u sheegtay xubnaha Golaha Ammaanka in Midowga Afrika shirkii u yeeshay dhawaan Addis Ababa lagu guul-dareystay in la qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya taasoo ahayd “Niyad jab”.

In ka badan 3 milyan oo qof oo ku barakacay Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay In ka badan 3.45 milyan oo qof ay ku barokaceen gudaha Soomaaliya ilaa Jan 2024 sababo ay ku jiraan abaaro, fatahaado, iyo iskahorimaadyada hubeysan.

Sida laga soo xigtay (IOM), inta badan (88 boqolkiiba) dadka gudaha ku barokacay waxay ku noolaayeen kaamamka barokacayaasha, kaliya 12 boqolkiiba ayaa dhex degganaa bulshooyinka martida loo yahay, ee magalooyinka waaweyn sida caasimada Muqdisho.

Goobaha loo barakacay ee Soomaaliya ayaa ah goobo aan rasmi ahayn oo u badan dhul si gaar ah loo leeyahay, waxaana taasi ay keentay in arrimaha ammaanka dhulku ay caqabad weyn ku noqdaan, barakacayaasha ayaa inta badan halis ugu jira in si qasab ah looga raro.

Soomaaliya waxaa soo maray iskahorimaadyo aan lasoo koobi karin, rabshado, iyo masiibo dabiici ah tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye 1991-kii.

Tani, ayay IOM sheegtay, in ay keentay mowjado xoog leh oo soo noqnoqda, gudaha Soomaaliya iyo dalalka deriska ah oo malaayiin qof ay ka barakaceen xaaladaha colaadaha iyo abaarta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here