Sawirro: Guddoomiyaha SoDMA oo booqday biyo xireen ku yaalla Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md, Maxamuud Macallim Cabdulle, qaybna ay ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure, Guddoomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe Axmed Mayre Makraan ,wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen biya xireenka Sabuun ee duleedka Magalaada Jowhar.

 

Biya xireenka Sabuun oo burbur xoogle ka muuqdo ayaa ayaa Sanadihii la soo dhaafay helin wax dib u dayactir ballaaran ah, iyaga oo masuuliyiintaan kormeeren qayabaha kala duwan ee biya xireenka, kaas oo xusid mudan tahay in wali ka muuqdaan sameentii ka soo gaartay Fatahaadii El-Niño ee sanadkii hore.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa sheegay in ay ka shaqeen donaan dib u dayactirka kanaalkaan iyaga oo kaa shanaya Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamka si looga hor taggo daadad iyo fatahaado laga cabsi qabo in roobka gu’ga uu sameeyo, waxaana Guddoomiyaha uu intaas ku daray in si ka hortagg loo sameeyo loo bahanyahay in la habeeyo biya xireenada iyo goobaha biya mareenada ah.

default
default

default

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here