Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Jabuuti, General Sakaria Sheekh Ibrahim, iyo wafdi saraakiil sare ah oo uu hoggaaminayay.
Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa Muqdisho u yimid ka qeybgalka Shirka Taliyeyaasha Ciidamada ee dalalka ka qeybta ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga amniga, isku-dubbaridka hawlgallada iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay sii wadidda wada-shaqeynta lagu wajahayo caqabadaha amni ee gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Jabuuti kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada sugidda amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska hay’adaha amniga.
Kulankan ayaa qeyb ka ah wada-tashiyada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la yeelaneyso dalalka ciidamada ku leh hawlgalka AUSSOM, iyadoo la xoojinayo iskaashiga gobolka iyo dadaallada lagu dardargelinayo amniga iyo xasilloonida dalka.





