Jubbaland oo faah faahin ka bixisay howl-gallo laga sameeyey Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Ciidamada Jubbaland, gaar ahaan kuwa hay’adda nabad sugidda ee maamulkaasi ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ka sameeyey gudaha Kismaayo.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyey xaafadaha magaaladaasi oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Jubbaland, waxaaa lagu xaqiijinayey ammaanka.

Qoraal ka soo baxay taliska nabad sugidda ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galladaas lagu soo qab qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwa kalena lagu raad joogo.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa ka dalbaday shacabka Kismaayo inay ku gacan siiyaan howl-gallada lagu sugayo amniga ee ka socda halkaasi.

”Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ah bulshada reer Kismaayo waxaan ugu baaqeynaa inay indho u noqdaan ciidamada ammaanka ayna ku garab istaagaan howl-gallada lagu ciribtirayo haraadiga ku dhex dhuumaaleysanaya magaalada,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay hay’adda nabad sugidda ee maamulka Jubbaland.

Kismaayo ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay sheegatay Xarakada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here