Lafta Gareen oo la kulmay wafdi ka socday dalka Turkiga + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa kulan la qaatay Culimo ka socday Dowlada aan Walaalaha nahay ee Turkiya oo Maalmahan Magaalada Baydhabo ujoogay Wacyigelinta Bulshada, Tababarida Culimaa’udiinka iyo Taakulaynta Dadka Danta yar.

Lafta Gareen ayaa Culimada ka socotay Dowlada Turkiga uga Mahadceliyey Booqashada ay ugu imaadeen iyo Dadaalkooda ku aadan sidii ay kaalin uga geysan lahayeen bulshada laga soo musaafuriyey Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool.

“Waan idinkaga mahadcelinayaa booqashada aad iigu imaateen caawa, shaqo wanaagsan ayaad qabateen wacyi-gelinta bulshada iyo taakulaynta dadka laga soo musaafuriyey magaalada laascanood waa shaqo mudan inaan idinkaga mahadcelino,dowlada iyo shacabka turkiga marwaliba qalbiyadeena waad ku weyntihiin waadna mahadsantihiin garab istaaga walaalihiina soomaaliyeed.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa Hadiyad Kitaab Quraan ah ka Gudoomay Culi’mada ka socotay Dowlada Turkiga.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here