Jubbaland oo war kasoo saartay qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Jaamac Joofane ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Jaamac ayaa sheegay in qaraxa lagu weeraray guriga madaxa howlaha Dekedda Kismaayo oo ku yaalla xaafadda Farjanno, gaar ahaan laanta Siinaayo.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen Haweeney Xaamilo aheyd iyo wiil ay dhashay, sidoo kalena uu  ku dhaawacmay wiil kale oo 14 jir ah

“Qaraxa waxa uu ka dhacay Guriga Madaxa howlaha Dekedda Kismaayo, waxaa ku dhintay Haweeney Xaamilo ah iyo wiil ay dhashay waxaana ku dhaawacmay wiil 14 jir ah oo isla qoyska ah, Ciidamadu qaraxa kaddib waxa ay sameeyeen howlgallo” ayuu yiri Jaamac.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Howlgallo ka dhacay Kismaayo waxaa lagu xiray Dad badan, ku dhawaad 20 ruux oo kamid ah Dadkaas oo la tuhmayo ayay baaris ku wadaan Hay’adaha ammaanka, qaraxyo ayaa gacanta lagu dhigay oo laga hortagay”.

Xaaladda ayaa haatan deggan, balse waxaa weli howlgallo baaritaano ah ay ka socdaan qaybo ka mid ah magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here