Wararkii ugu dambeeyey ee dhaarinta xildhibaanada BF Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dhaarinta xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Berri oo ku began 14-ka bisha April ayaa lagu wada in xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka 11-aad lagu dhaariyo xerada Afisiyooni ee Muqdisho.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heeer federal ee FIET, ayaa ku wargaliyay dhamman xildhibaannada labada gole ee qaatay shahaada xildhibaannimo inay yimadan Hoolka Teendhada ee Afisiyooni oo ah halka ay ka dhici doonto dhaarinta Xildhibaannada.

Dhinaca kale guddiga ayaa shaaciyey in maanta oo Arbaco ah ay xubno u diri doonaan Baydhabo, si xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya guddiga iyo Koonfur Galbeed. 

In ka badan 200 Mudane oo qaatay shahaadada rasmiga ee xubinnimada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka. Xildhibaannada deggaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed ayaan weli qaadan Shahaadada marka laga reebo saddex xildhibaan halka maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle ay ku harsan yihiin kuraas kamid golaha shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here