Kaaraan oo guul weyn ka gaartay dhiggeeda degmada Hodan

Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku loolamay degmooyinka Kaaraan iyo Hodan oo ka wada tirsan gobolkan Banaadir, kuwaas oo soo bandhigay tartan xiiso badan.

Labada degmo oo ku wada jiray group-ka A ee wareega labaad ee tartanka ayaa soo bandhigay tartan qurux badan, waxaana ay guushu raacday tartamayaasha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir

Hodan oo laga adkaaday ayaa heshay 2 dhibcood, halka Kaaraan ay keensatay 12 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cali Cumar Cabdalla oo ka mid ah guddiga tartan aqooneedka Shabelle.

Sidoo kale waxaa caawa tartanka isaga hor imaan doono degmooyinka Dayniile iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir, kuwaas oo haatan diyaar-garow xoogan ugu jiro ka qeyb-galka tartan aqooneedka Shabelle.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka.