Khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee dagaalkii Boosaaso oo la shaaciyey

0

BOOSAASO (SMN) – Warbixin kasoo baxday guddiga xaqiiqo raadinta ee loo xil saaray dagaalkii Boosaaso ka dhacay dhammaankii 2021-kii ayaa soo saaray warbixin ku aadan khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalkaasi oo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa PSF-ta.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in dadka dhintay ay yihiin 22 ruux, kuwa dhaawacmay waa 86 qof, khasaaraha hanti ee ka dhashay dagaalkaas waxa uu guddigu warbixintiisa ku sheegay in ay tahay $807,500 (Siddeed boqol, todobo kun iyo shan boqol oo dollar).

Sidoo kale guddiga ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Puntland inay ka jawaabaan warbixinta, isla-markaana ay bixiyaan magta dadka dhintay iyo lacagta ay ku qiimeeyeen hantida ku khasaartay halkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here