Kheyre oo Cambaareeyey Xarigga Dhalinyaro Muqdisho Lagu Xiray

0

Muqdisho – Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si adag u cambaareeyey xarigga dhalinyaro la sheegay inay ka tirsan yihiin koox isku magacowday “Isbeddeldoon”, kuwaas oo lagu xiray magaalada Muqdisho.

 

Qoraal uu soo saaray, Kheyre wuxuu ku tilmaamay falkaasi “afduub” iyo tacaddi ka dhan ah xorriyadda shacabka, isaga oo ku eedeeyey dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay ku kacayso caburin iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

“Waxaa ayaandarro ah in taliska Madaxweyne Xasan Sheekh uu si joogto ah ugu kaco tacaddiyo iyo dambiyo ay kamid yihiin afduubka dhallinyarada, xarigga saxaafadda, caburinta shacabka iyo falal kale oo lidi ku ah dowladnimada iyo xuquuqda aadanaha,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale, Ra’iisulwasaarihii hore ayaa sheegay in muddo kooban ay ka harsan tahay xukuumadda hadda jirta, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sidii dalka looga badbaadin lahaa waxa uu ku tilmaamay “talis caburin ku dhisan”.May be an image of one or more people, suit and hospital

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here