Muqdisho – Xilli Xasan Sheekh Maxamuud uu safar ku gaaray magaalada Jabuuti si uu uga qeyb galo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxaa gudaha Soomaaliya ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo abaabullo dibad-baxyo ay wadaan qaar kamid ah mucaaradka dowladda Federaalka Soomaaliya.
kooxaha mucaaradka ay wadaan qorsheyaal la xiriira bannaanbaxyo lagu muujinayo aragtidooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed iyo muranka ka taagan muddo xileedka dowladda hadda jirta.
Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti kusoo dhoweeyay Ra’iisulwasaaraha dalkaasi C/qaadir Kaamil Maxamed iyo masuuliyiin kale.
Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladda iyo mucaaradka, kuwaasi oo si weyn uga hadlaya arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dowladnimada dalka.




