ALGERIA – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Algeria, Danjire Yuusuf Axmed Xasan, ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 17 muhaajiriin Soomaali ah ay dhinteen ka dib markii ay la degtay dooni ay la socdeen oo ku safraysay biyaha u dhexeeya dalalka Algeria iyo Spain.
Danjiraha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in geerida dadkan Soomaalida ah ay timid xilli ay isku dayayeen inay gaaraan qaaradda Yurub. Dadka dhintay ayaa ka kooban 12 rag ah iyo 5 dumar ah.
Danjire Yuusuf ayaa sheegay inay la soo xiriireen waalidiin ka welwelsan carruurtooda oo raadinaya xogta eheladooda, taas oo ku dhalisay inay xiriir la sameeyaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Algeria oo ku wargelisay masiibadan ka dhacday gobol dhaca qiyaastii 100 kiiloomitir dhanka galbeed ka xiga caasimadda Algiers. Safiirka ayaa aroornimadii Khamiistii shalay gaaray magaalada Bow Ismail, isagoo booqday labo isbitaal oo la geeyay meydadka dadkaas si uu u soo aqoonsado.
“Waxaa ila soo xiriiray waalidiin raadinayay carruurtooda, doonayayna inay ogaadaan halka ay ku dambeeyaan,” ayuu yiri Danjire Yusuf.
Badda u dhaxaysa Waqooyiga Afrika iyo Spain ayaa ka mid ah marinnada ugu khatarta badan ee ay isticmaalaan muhaajiriinta doonaya inay galaan Yurub, waxaana badanaa loo adeegsadaa doonyo tayo xun oo laga buuxiyay dad ka badan awooddooda. Shilalka doonyaha ayaa ku badan marinnada badda Mediterranean-ka iyo Atlantic-ga, halkaas oo kumanaan muhaajiriin ah ay naftooda ku biimeeyaan sannad kasta iyagoo ka cararaya colaadaha, saboolnimada iyo dhibaatooyinka cimilada.
Soomaalida ayaa ka mid ah dadka aadka u isticmaala marinnadan halista ah, waxaana u sii dheer amni darrada, fursado dhaqaale oo yaraaday iyo abaaro daba dheeraaday. Maamulka dalka Algeria weli ma soo saarin faahfaahinta buuxda ee ku saabsan inta qof ee guud ahaan doonida saarnayd iyo sida ay doonidu u degtay.




