MUQDISHO – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda iyo dagaallada sokeeye ee ka socda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Qoraal uu soo saaray Kheyre ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay colaadda dib uga soo cusboonaatay degmada Jalalaqsi, isagoo xusay in sawirrada iyo muuqaallada laga soo tabinayo dagaalkaasi ay yihiin kuwo murugo leh oo muujinaya baaxadda khasaaraha soo gaaray shacabka, duunyada iyo deegaanka.
“Waxaan ka xumahay colaadda iyo dagaallada sokeeye ee ka soo cusboonaaday magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Waxaa qarracan iyo uur-kutaallo ah sawirrada iyo muuqaallada hororka ah ee laga soo tabinayo baaxadda iyo khasaaraha dagaalkan sokeeye,” ayuu yiri Kheyre.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in Soomaalidu ay khibrad ku filan u leedahay dhibaatooyinka iyo khasaaraha ka dhasha dagaallada sokeeye, isagoo ku tilmaamay arrin nasiib darro iyo musiibo qaran in maanta dad Soomaaliyeed ay isku dilaan aanooyin qabiil.
Kheyre ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya Jalalaqsi inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal iyo is-afgarad.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle inay si degdeg ah uga qayb qaataan dadaallada lagu kala dhexgelayo dhinacyada dagaallamaya, isla markaana la abuuro hannaan dib-u-heshiisiin dhab ah oo lagu gaaro xal waara.



