Muqdisho – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Ali Khayre, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb qaataan banaanbaxa la qorsheeyay inuu dhaco 4-ta Juun.
Kheyre oo ka hadlay kulan ay yeesheen siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sheegay in shacabka aysan ka niyad jabin ama ka baqan tallaabooyinka ay dowladda qaadayso, sida uu hadalka u dhigay, gaar ahaan kuwa la xiriira dhalinyarada iyo dadka isbeddel-doonka ah.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa si gaar ah ugu baaqay dhalinyarada inay muujiyaan aragtidooda, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay ka qayb qaataan banaanbaxa.
DAAWO.




